Muqdisho: buuq ka socda hoolka Baarlamaanka Federaalka

Image

November 24, 2014 (GO)- Fadhigii Baarlamaanka Federaalka ee maanta oo ajendeyaashiisa ugu muhiimsan yahay mooshinka laga keenay xukuumadda ayaa u muuqda mar saddexaad inuu baaqdey.

Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyey hoolka iyadoo labada dhinac ee xildibaanadu ereyo kulul is dhaafsanayaan islamarkaana midba midka kale ku eedeynayo in uu shuruucda dalka ku tuntey.

Ila wareedyo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa GO u xaqiijiyey in la jeex jeexay waraaqihii  ajendaha kulanku ku qornaa iyo weliba liiskii xaadirinta xiliganna buuq iyo sawaxan badani ka yeerayo xarunta baarlamaanka.

Wararka kale ayaa sheegaya in saxaafada laga saarey hoolka shirarka iyadoo ciidamo badan gudaha Barlamanka ku sugan yihiin.

Gudoomiye Jawaari  ayaan weli soo gaarin xarunta baarlamaanka iyadoo qorshuhu ahaa inuu yimaado marka saacadda geeska Afrikada bari tahay 9:00 subaxnimo.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo hakiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray dowladda Soomaaliya

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii xoojinayso dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 11:55AM

Soomaaliya: Shir weyn mucaaradka u furmay  xilli xiisadda siyaasadeed taagan tahay

Soomaaliya ayaa muddo dheer la daalaa-dhacaysay khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 05:51AM