Muqdisho: Cidamada nabad-sugidda oo qabtay hub iyo dad laga shekiyey

Image
Image
Image
Image

November 5, 2014 (GO)- Ciidamada Nabd Sugida ee Dowlada Federaalka ayaa maanta hawgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyey qaybo kamid ah magaalada Muqdisho. 

Hawgalladan oo qayb ka ahaa kuwo maalmihii ugu dambeeyey ka socdey qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaa lagu soo qabtay ku dhowaad labaatan qof oo looga shekiyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab, hub iyo maandooriye xashiish iyo khamri isugu jira.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howgallada caynkan ahi sii socon doonaan ujeedada laga leeyahayna tahay in ammaanka si buuxda loo sugo gacantana lagu soo dhigo kuwa geysta falalka nabadgelya lidka ku ah. 

Hawlgalladii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho ciidamada Nabad Sugidda Dowlada Federaalku ka sameeyeen waxaa lagu soo qabtay in ka badan 80 qof oo 20 kamid ah laxaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab. 

Waxaa sidoo kale hawlgalladaas lagula wareegey labo garaash oo lagu diyaarin jirey gawaarida loo adeegsado qaraxyada, dhowr kiilo oo walxaha qarxa ah, tobannaan qori iyo rasaas fara badan. 

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa bilihii u dambeeyey soo xumaanayey, waxaana xusid mudan in todobaadkan oo qura magaalada Muqdisho lagu diley 7 qof oo isugu jirey dad rayid iyo saraakiil ka tirsanaa dowladda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM