Ciidamada Nabad-sugidda DF oo garaash Muqidho ku yaalla la wareegey

Image

October 21, 2014 (GO)- Ciidamada nabad-sugidda ee Dowladda Federaalka ayaa maanta la wareegey garaash ku yaalla jidka 15-ka May ee degmada Warta Nabadda.

Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan oo garaashkaas dhexdiisa warbaahinta kula hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey sababta keentay in ciidamadu la wareegaan.

Wuxuuna sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha xaruntaasi bam ku xireen gaari uu lahaa mid kamid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho oo xalay geyrashkaas lagu xereeyey kadibna sirdoonka dowladdu arintaas ka warheleen.

Dhawr qof oo lagu tuhmayo inay falkaas wax ka ogaayeen ayuu sheegay in lagu guuleystey gacanta in lagu soo dhigo, kuwaasoo xilligan baaritaan lagu wado, hadii dembigaasi ku cadaadana maxkamad lasoo taagi doono.

Af-hayeenka Wasaaradda Amniga ayaa ugu dambeyntii digniin culus u jeediyey mulkiileyaasha goobaha baabuurta lagu cilad bixiyo iyo kuwa lagu xereeyo labadaba, isagoo ku boorriyey inay ka feejignaadaan dadka ay shaqaalaha u qaadanayaan.

Labadii sano ee ugu dambeeyey mas'uuliyiin Dowladda Federaalka ka tirsanaa oo xildhibaano u badnaa ayaa lagu diley qaraxyo si qarsoodi ah gawaaridooda loogu xiray.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida ayaa kusoo badanayey magaalada Muqdisho laga soo bilaabo bishii August ee sanadkii 2011 markaasoo Al-shabab banaysay dhammaan fariisimihii muhiimka ahaa ee magaalada Muqdisho ku lahayd.

GAROWE ONINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM