Muqdisho: ciidamada nabad-sugidda oo qabtay dad laga shekiyey iyo hub

Image

October 28, 2014 (GO)- Hawlgal ballaaran oo ciidamada nabad-sugidda ee Dowladda Federaalku 24tii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay hub iyo dad toban qof tiradoodu ku dhow dahay oo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin Al-shabab.

Dadkaas oo dhallinyaro u badan waxaa laga soo xiray xaafado ka kala tirsan Dayniile iyo Hawl-wadaag, gaar ahaan xaafadaha ku dhow suuqa Bakaaraha oo tirada ugu badan laga soo qabtay.

Dhanka kale guri ku yaalla degmada Dayniile ayaa laga helay hub isugu jira qorayaha darandooriga u dhaca, baaskoolado iyo weliba bumbooyinka gacanta laga tuuro. Hubka oo in muddo ah lagu raad joogey waxaa laga soo saaray god guriga dhexdiisa laga qoday sida ay saraakiisha ciidamada nabad-sugiddu sheegeen.

Xabsiyada magaalada Muqdisho waxaa ku jira boqollaal qof oo dhalinyaro u badan, dadkaasoo qaarkood lasoo qabtay iyagoo gacanta kula jira falal ammaanka liddi ku ah qaar kalena lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM