Ciidamada DF oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Muqdisho

Image

November 14, 2014 (GO)- Hawlgal ciidamada nabad sugiddu ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay hub iyo gaari la sheegay in loo adeegsan jirey dilalka qorsheysan.

Afhayeenka  Wasaarada Amniga ayaa warbaahinta u sheegay in saqdii dhexe ee xalay ciidamadu xoog ku galeen guri ku yaalla degmada Dharkeynley oo laga soo abaabuli jirey dilalka iyo qaraxyada isagoo intaas ku daray in waxyaabaha gurigaas laga helay kamid yihiin walxaha qarxa ee loo adeegsado qaraxyada ismiidaaminta.

Dad afar qof gaaraya oo midkood haweeney tahay ayaa hawlgalkaas lagu soo qabtay, kuwaasoo xilligan baaritaaan ku socdo.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho lagu diley in ka badan 20 qof, dadkaasoo isugu jirey dad rayid ah iyo shaqaale dowladeed oo u badnaa saraakiil ka tirsan ciidamada.

Badi dadkaas waxaa mas'uuliyadda dilkooda sheegtay ururka Al-shabaab, iyadoo dhanka kale hawgallo xiriir ah oo ciidamada ammaanka Dowladda Federaalku ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho lagu soo qabtay hub iyo tobanaan qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Al-shabaab oo bishii September ee lasoo dhaafay la diley hogaamiyehoodii hore, waxay xiligaas wixii ka dambeeyey kordhisey weerarada ay ka geysanayso magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM