Muqdisho: gudoomiye xigeenkii Jaamacadda SIMAD oo saaka la diley

Image

December 10, 2014 (GO)- Gudoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu diley isgoyska KPP ee degmada Hodon.

Mas'uulkaas oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Maxamuud Xaamud wuxuu sidoo kale kamid ahaa bareyaasha jaamacadda wax ka dhiga.

Dabley hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inay toogteen isaga oo gaarigiisa wata xilli uu kusii jeedey xarunta jaamacadda.

Lama oga sababta mas'uulkaas loo diley mana jirto ilaa iyo hadda cid mas'uuliyadda dilkiisa sheegatay.

Jaamacadda SIMAD oo kamid ah kuwa ugu waaweyn magaalada Muqdisho waxaa gudoomiye kasoo ahaan jirey Xasan Sheekh Maxamuud kahor intaan loo dooran madaxweynaha dalka.

Dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ayaa todobaadyadii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho.

Dhowaan hay'adda sirdoonka Dowlada Federaalku waxay ku guuleysatay inay gacanta kusoo dhigto shabakad Al-shabaab ka tirsan oo fulin jirtey dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

Dadka la qabtay oo tiradoodu lix qof ahayd, waxay qirteen inay ka dambeeyeen dilka saraakiil ciidan, ajaanib iyo xildhibaano AHN Saado Cali Warsame kamid ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM