Muqdisho: cudurka Ebola oo laga shiray gudina loo saaray

Image

October 17, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan looga arinsanayey sidii looga gaashaaman lahaa in cudurka Ebola soo gaaro dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa dhex maray mas'uuliyiinta ugu sarreeya xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya iyo madaxda Wasaarada Caafimaadka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulankaas looga wada hadlay waxaa kamid ah sidii Dowlada Federaalka iyo hay'adaha dhanka caafimaadka kala shaqeeyaa isaga kaashan lahaayeen kahor tegiska in cudurka Ebola soo gaaro Soomaaliya, waxaa sidoo kale arimaha laga wada hadlay kamid ah sidii loo diyaarin lahaa goobo lagu karantiiro bukaanada, hadiiba ay dhacdo in cudurkaasi soo gaaro Soomaaliya.

Maalmo kahor waxaa Fayruska Ebola laga helay askari Sierra Leone u dhashay, kaasoo qayb ka ahaa ciidamo la doonayey in loosoo qaado Somaaliya si ay qayb uga noqdaan hawlgalka AMISOM.

Dowladda Federaalku gudi heer qaran ah ayey u saartay ka hor tegista cudurka Ebola haseyeeshee Dowladda Puntland gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka ayaan weli ka hadlin khatarta Ebola islamarkaana qaadin tallaabo cudurkaas looga gaashaamanayo.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 4,500 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone, Nigeria iyo Guinea. Dalalka fayruska Ebola gaarey waxaa kamid ah: United States, Spain, Romania, Saudi Arabia, India, Germany iyo Benin.  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM