Muqdisho: mooshinka oo maanta loo qaybinayo xildhibaanada

Image

November 11, 2014 (GO)- Mooshinkii laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta oo Talaado ah loo qaybin doonaa xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya. Guddoonka golaha wakiillada ayaa xalay shaaciyey in ajendayaasha fadhiga baarlamaanka ee maanta mooshinkaasi qayb ka noqon doono.

Mooshinkan oo Khamiistii loo soo gudbiyey Af-hayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, muddo dhowr maalmood ah ayaa hakad la geliyey si fursad loo siiyo dadaalada lagu doonao in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli.

Nuqullo kamid ah mooshinka ayaa maanta loo qaybin doonaa xildhibaanada iyadoo muddo shan maalmood kadib ahna ka doodistiisa loo guda geli doono dabadeedna codka kalsoonida loo qaadi doono xukuumadda.

Dhanka kale, cabsi weyn ayaa laga qabaa in buuq iyo sawaxan maanta hareeyo xarunta baarlamaanka, maadaama xildhibaanadu u kala qaybsan yihiin labo dhinac, kuwii soo gudbiyey mooshinka iyo kuwa diidan, waxaana xusid mudan in tiro ahaan labada garab isku dhow yihiin.

Ciidamo boolis ah oo tiro badan ayaa la geeyey xarunta baarlamaanka kuwaasoo qaarkood hoolka dhexdiisa joogi doonaan si hadii buuq dhaco xaaladda u dejiyaan.

December 2, 2013 ayey ahayd markii xildhibaanada baarlamaanku kalsoonida kala laabteen xukuumadii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM