Muqdisho oo laga daahfuray xabsi loogu talagalay in lagu xiro haweenka

Image
Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha ammaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/G Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa caawa si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab. Qeybtan cusub ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed G/sare Mahdi Cumar Muumin Guddoomiyaha Degmada Xajajab iyo Masuuliyiin ka kala socdey Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir.


“Xabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg hufan oo xushmad leh, gaar ahaan marka ay timaado daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha ammaanka, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo la xidho lagu hayo duruufo habboon oo u qalma sharaftiisa iyo karaamadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM