Muqdisho oo laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha

Image
Hal ku dhegga sanadkan ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan”.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. 

Hal ku dhegga sanadkan ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan” taasi oo diiradda lagu saarayo ahmiyadda ay xuquuqda aadanaha u leedahay nolol maalmeedkeena, si xal loogu helo caqabadaha ku horgudban xuquuqda aadanaha iyo baahida loo qabo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda bulshooyinka.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labbaad, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali-Dhaay ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa is-dhexgalka caalamiga ah ee arrimahan la xiriira.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM