Muqdisho: qarax ka dhacay meel u dhow garoonka Aadan Cadde

Image

December 3, 2014 (GO)- Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey qarax goor dhow ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa islamarkaana loo adeegsadey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa lala beegsaday kolonyo kamid ah gaadiidka Qaramada Mudoobay oo goobtaas marayey.

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa sheegay in dadka geeriyoodey ay ku jiraan sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo dhowr qof oo kale oo rayid ahaa.

Lama oga khasaaraha soo gaarey dadkii la socdey gaariga Qaramada Midoobay lahayd ee qaraxa lala eegtay, sidoo kale lama oga in gaarigaas dad ajaanib ahi la socdeen iyo in kale.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirrada Gaashaandhigga Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay Qaahira si ay u xoojiyaan iskaashiga milatari

Masar ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

  • Soomaliya

    30-09-2025

  • 12:04PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM