Muqdisho: sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka oo qarax lagu dhaawacay

Image

November 16, 2014 (GO)- Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ee garoonka Aadan Cadde.

Sida wararku nagu soo gaarayaan bam loogu xiray gaarigiisa ayaa ku qarxay xilli uu marayey isgoyska Sayidka meel u dhow Hotel Wehliye. Qaraxa waxaa sidoo kale dhaawac fududi kasoo gaarey qof rayid ah oo xilligaas goobta ka ag dhowaa.

Wararka laga helayo Muqdisho ayaa intaas ku daraya in sarkaalkaasi dhaawac culus ka qabo qaarka dambe ee jirka gaar ahaan lugaha ayna u badan tahay in labada lugood midkood laga gooyo.

Todobaadkii hore ayaa Al-shabaab waxay toogasho ku dileen taliyihii waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha Muqdisho Maxamuud Cabdi Dhabarow.

Qaraxyda caynkan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in mas'uuliyiin dowladda ka tirsanaa labo kamid ahina xildhibaanno ahaayeen horay loogu diley qaraxyo loogu xiray gawaaridooda.

Bishii hore ee October ciidamada nabad-sugidda ayaa la wareegey labo garaash oo la sheegay in lagu diyaarin jirey qaraxyada lagu dhejiyo baabuurta iyo weliba qaar kamid ah shaqaalihii labadaas xarumood ka hawl gelayey oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyey soo xumaanayey, waxayna arimahani kusoo aadayaan xilli goleyaasha xukuumadda, baarlamaanka iyo madaxtooyadaba uu saameeyey khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowladda, khilaafkaasoo horseeday in laga mashquulo hawlo badan oo sugidda ammaanku qayb ka tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM