Muqdisho: sarkaal ka tirsnaa W. A. Dibadda oo la diley

Image

November 2, 2014 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arimaha Dibada Dowlada Federaalka ayaa maanta lagu diley xaafadda Buulo Xuubey ee magaalada Muqdisho.

Ninkaas oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi Juusto waa qofkii sadexaad ee rayid ah ee gelinkii hore maanta oo keliya magaalada Muqdisho lagu dilo, wuxuu sidoo kale shan ka dhigayaa tirada dadka rayidka ah ee 24tii saac ugu dambeeyey la diley.

Dabley hubeysan oo gaari yar watey ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaari uu mas'uulkaasi la socdey. Rasaasta waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof oo rayid ah.

Goor hore oo maanta ah degmada Dharkeynley sidan oo kale waxaa loogu toogtey labo gabdhood oo ciyaal iskool ahaa xilli ay kusii jeedeen dugsi ku yaalla xaafada Mac-macaanka.

Dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho aad bay kor ugu kaceen laga soo bilaabo bishii September, markaasoo la diley hogaamiyihii kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Al-shabaab oo laga saaray badi deegaanadii ay koonfurta Soomaaliya kaga sugnayd, waxay dilkii Godane kadib ku hanjabtay inay weeraro aargoosi ah qaadi  doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM