Muqdisho: sirdoonka DF oo soo bandhigay sarkaal ka tirsan Al-shabab

Image

December 9, 2014 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo dhowaan sirdoonka Soomaaliya iyo kan Kenya oo is kaashanayaa ku qabteen xadka u dhexeeya labada dal ayaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay.

Ninkaas oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji  wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta isagoo horay loogu soo eedeeyey inuu qayb weyn ka qaatay dilal qorsheysan oo lagu diley dhowr weriye islamarkaana si joogto ah weriyeyaasha ugu soo hanjabi jirey.

Af-hayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta kula hadlay goobta ninkaas lagu soo bandhigay oo ahayd xarunta hay'adda nabad-sugidda ee degmada Shibis ayaa sheegay in Xanafi todobaad kahor Muqdisho lasoo gaarsiiyey.

Dhanka kale wuxuu mahad u celiyey dowladda Kenya gaar ahaan hay'adaheeda sirdoonka oo sida uu sheegay qayb weyn ka qaatay sidii ninkaas isaga oo nool gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in sharciga la horkeeno Xasan Xanafi oo in muddo ah baxsad ahaa kadib markii ciiamada dowlada iyo kuwa AMISOM la wareegeen magaalooyinkii ugu waaweynaa ee Al-shabaab fariisinka u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM