Muqdisho: wafdi ka socda USA oo la shiraya madaxda DFS

Image

November 9, 2014 (GO)- Kulan saddex geesood ah islamarkaana albaabadu u xiran yihiin ayaa uga soconaya hoolka shirarka ee garoonka diyaaraha Muqdisho wafdi ka socda Dowlada Maraykanka, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Kulanka  ayaa qayb ka ah kulamo xiriir ah oo diblumaasiyiin beesha caalamka ka socdaa 24kii saac ee ugu dambeeyey la yeelanayeen saddexda mas'uul ee ugu sareeya Dowlada Federaalka.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegay in Maraykanku cadaadis ku saarayo madaxda Dowlada Federaalka inay si dhaqso ah khilaafka jira xal uga gaaraan maadaama hadii xaaladu sidaas kusii socoto caqabado badani ku iman doonaan higsiga 2016-ka.

Dhanka kale, ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo safiiro ka socda Midowga Yurub ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Inkastoon kulankaas warbaahintu faah faahin dheeri ah ka helin, waxaa hadana nuxurkiisu ahaa in baarlamaanku dhex dhexaad ka noqdo khilaafka taagan islamarkaana aan lagu deg degin mooshinka qaar kamid ah xildhibaanadu ka keeneen Ra'iisul Wasaaraha.

Faah faahin ku saabsan kulanka xiligan ka soconaya garoonka Aadan Cade dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM