Muqdisho: Xildhibaan dil ka badbaadey

Image

October 26, 2014 (GO)- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa maanta ka badbaadey isku day la doonayey in lagu dilo.

Gaari xildibaanku watey ayaa waxaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo iyaguna gaari kale watey. Dableyda  oo weli si rasmi ah aan haybtooda loo aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Goobta weerarku ka dhacay waa agagaarka hotel uu xildhibaankaasi degenaa oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmada Hodon.

Dhaawac fudud ayaa Xildhibaan Cabdulaahi Rooble soo gaarey sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar kamid ah mudaneyaasha Baarlammaanka.

Weerarrada caynkan ah ee sida gaarka ah loola beegsanayo xubnaha Baarlamaanka Federaalka ayaa labadii sano ee u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho.

Shan xildhibaan ayaa sanadkan 2014 keliya magaalada Muqdisho lagu diley, waxaana xusid mudan in mas'uuliyadda dhammaan dilalkaas sheegatay kooxda Al-shabab.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM