Muranka doorashada gobolka Gedo oo dhinac u dhacday

Image
Rooble ayaa la sheegay in uu si taxadar leh ula socdo qaabka ay u socoto doorashada gobolka Gedo

KISMAAYO, Jubaland – Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa shaaciyay in ay diyaariyeen Teendho loogu tala-galay in lagu qabto doorashada 16 kursi ee deegaan doorashadoodu gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya oo markii hore loo asteeyay Garbahaaray.

Maamulka ayaa sheegay in agagaarka garoonka diyaaradaha Ceelwaaq laga dhisay teendho, taasi oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi, islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu maamulka Jubbaland horay u shaaciyay liiska 16 kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Garbahaarey, uuna qorsheyay inuu ka wareejiyo Garbahaarey oo kamid aheyd heshiiskii 17-ka September.

Sidoo kale waxay tallaabadan imaneyso ayada oo maxdaxweyhaha Jubaland oo ku sugan magaalada Nairobi uu halkaasi ka wado shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Garowe Online ayaa fahamsan in Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ay ka shireen amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee magaalada Ceelwaaq oo ku taalla xuduud Soomaaliya iyo Kenya.

Haddii uu hirgalo qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan, maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey.

Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mariixaan ee mucaaradsan Farmaajo ay kusoo bixi doonaan kuraastaan.

Rooble ayaa la sheegay in uu si taxadar leh ula socdo qaabka ay u socoto doorashada gobolka Gedo si ay xaqiijiyeen xubno ka socda xafiiskiisa.

Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM