Musharaxii labaad oo ka haray tartanka sida uu taageero Warsame

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxii labaad oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu “u tanaasulay” musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna ka mahad-celiyey “tanaasulka” uu u sameeyey Cabdinaasir ayaa sheegay in ay u tahay “bog cusub oo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho oo u furmay”.

Qoraal uu ka daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku yiri “Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey Dr C/naasir C/lle oo caawa ii tanaasulay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa odayaasha, ganacsatada, siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo dhalinyarada ka mira dhaliyey guushan wayn. Waa bog cusub oo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho u furmay. Waxaan rajaynayaa in ay guul taariikhii soo hoyn doonto,”.

Warsame oo 5 sano ee la soo dhaafay ahaa musharax aan ganban oo si way u naqdiya talaabooyinka ay qaadaan kooxda Nabad iyo Nolol ee Farmaajo hoggaamiya ayaa sanadkaan hadii uu helo taageero siyaasadeed ka mid noqonaya musharixiinta ugu rajada Fiican.

Khamiistii waxaa sidan oo kale tartanka uga haray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo isna sheegay inuu “u tanaasulay” Cabdiraxmaan Cabdishakuur balana qaaday in uu kala shaqaynayo ololihiisa codaynta.

Inkasta oo labada musharax ee ka haray tartanka ay sheegeen inay tanaasul sameeyeen, haddana Cabdiraxmaan kula filna in ay u taasulaan xildhibaanada ku beesha ah oo kaliya balse waxaa lagama maarmaan ah helis isbahaysi xooggan oo siyaasadeed sida ay sheegeen falanqeeyayaasha.

Ma cadda haddii haritaanka Guuleed iyo Cabdinaasir ay wax badan u tari karto Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo hada ku biiraya musharixiinta tartanka adag gali doona oo ay ka midyihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre.

Garowe Online ayaa sidoo kale fahamsan in isbaheysiga Guuleed, Cabdinaasir iyo Cabdiraxmaan aysan qeyb ka aheyn xildhibaano ka soo jeeda beesha Habargidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh sida Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Saabir Shuuriye.

Jumcihii Warsame oo ay wehliyaan tiro xildhibaano iyo siyaasiyiin ah ayaa kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasi oo looga hadlay xoojinta ololaha Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sida uu shaaciyay Musharaxa waxaa kulanka u daarna sidii awooda la isugu geyn lahaa ololaha Musharax Cabdiraxmaan, xilli uu goor sii horeysay u tanaasulay Cabdikariim Guuleed.

Dalkaan Geeska Afrika ayaa dooranaya madaxweynaha cusub Axada bari ah, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka caasimadda Muqdisho.

Doorashada ayaa sanad ka badan dib u dhac ku yimid waqtigii loo asteeyay. Shacab oo aan codaynayn ayaa si qoto dheer u eegaysa nidaamka doorashooyinka ee Sanadkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM