Musharaxiin isku diiwaan-geliyay xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga KMG ee doorashada, ayaa maanta billaabey diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka  gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shan Musharax oo uu kamid yahay Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Saalim Caliyow Ibroow ayaa wajiga kowaad ee is-diiwaan-gelinta la guddoonsiiyey Shahaadooyinka Mushraxnimada.

Magacyada Musharaxiinta:

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Gudiga ayaa hordhigay Wasiiro doonaya inay u tartamaan Xilka gudoomiyaha Gollaha shacabka shuruud adag oo ah in marka hore iska casilaan xilalka wasiir-nimo, islamarkaana maalinta diiwaangelinta keenaan warqada cadeynaysa Iscasilaadooda.

Illaa hadda waxaa si rasmi ah isku casilay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Ganacsiga, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Ibraahim Isaaq Yarrow.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal ayaa kamid ah Wasiiradda laga dalbaday inay is-casilaan, waxaana la ogeyn sababta Saalim Caliyow Ibrow loo diiwaangeliyay isagoo aan ku dhawaaqin inuu xilka wasiir-nimo iska-casilay.

Dood ayaa ka dhalatay is-casilaadda Wasiirada Musharaxiinta ah, iyadoo Wasiirka arrimaha Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil uu sheegay in Dastuurka uu u ogolaanaya Wasiir inu u tartamo xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, isagoo aan is-casilin.

Maalin berri ah ayay ku egtahay diiwaangelinta Musharaxiinta, iyadoo 30-ka bishan la dooran doono gudoomiye cusub oo bedeli doono Maxamed Cismaan Jawaari oo is-casilay 9-kii April, kadib mooshin laga keenay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM