Muuqaallo CCTV oo kashifay sida loo fududeeyay weerarkii Xalane

Image
Image
Garowe Online ayaa helay muuqaaladan oo daaha ka rogaya cidda dableyda geysay meesha ay wax ka dhaceen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warsidaha Garowe Online ayaa si gaar ah wuxuu u helay dhowr qeyb oo muuqaalo CCTV ah kuwaasoo u muuqda in la duubay daqiiqado ka hor inta uusan dhicin weerarkii Xalane.

Sida uu muujinayo mid kamid ah muuqaaladda GO ka helay illo loo qaateen ah, gaari nooca raaxada ah oo midabkiisu yahay cadaan ayaa dableyda gaarsiiyey meesha ay wax ka dhaceen.

Kooxda weerarka qaadey ayaa goobta timid qiyaastii 10 daqiiqo kahor inta aysan howlgalka fulin. Sida muuqaalka tusinayo, gaariga waxaa lagu dhinac baakimay baabuur ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya.

Muuqaal kale oo isla goobta ah ayaa muujinaya in nin ku labisan tuutaha ciidamada Soomaaliya uu dableyda ku wareejiyay hubka kadib markii ay kasoo dageen gaariga oo si deg-deg ah ku dhaqaaqay.

Daqiiqado ka hor inta uusan soo bixin gaariga cadaanka ah ayaa waxaa goobta yimid gaari Land Cruiser ah nooca aan xabadu karin kaasoo istaagay meesha lagu dajiyey dagaalameyaasha.

Goobida "ubucda" dhacdada

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo weerarka Xalane iyo qaraxyadii Beledwayne ku galaaftay ku dhowaad 50 ruux oo u badan rayid.

Inta badan baaritaanada lagu sameeyo weerarada ay kooxaha argagixisada ah ka fuliyaan Soomaaliya ayaan lala wadaagin dadweynaha sababo ku aadan macluumaadyada xasaasiga ah ee ku dhex-jira awadeed.

Lama ogga haddii xukuumadda Rooble ay meesha ka saari doonto dhaqankaas maadaama uu amray taliyeyaasha ciidamadda in ay "sida ugu dhaqsiyaha badan warbixin kusoo celiyaan".

Ambassador Madeira, madaxa howlgalka AMISOM iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuux-sadey in muhiim ay tahay in la helo "ubucda waxa dhacay".

"Nidaamka lagu geli karo xeradda Xalane waa in lagu noqdaa, dib u eegis lagu sameeyaa, la tayeeyo, lana xoojiyo si looga tarjumo xaqiiqada hadda dalka ka jirta," ayuu asbuucan sheegay kadib markii uu la kulmay Rooble.

Tuhunka ka dhashay weerarka

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin muuqaalkan xasaasiga ah ee uu helay warsidaha Garowe Online. Isku-dayo xiriir oo mareeggan uu sameeyay ayaanan guuleysan.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda falkan ayaa tibaaxdey in ay ku dishay "19 ajaaniib ah" kuwaasoo ay ku adkeysatay in ay isugu jireen askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM.

Hase ahaatee, taliska booliska Soomaaliya ayaa khasaaraha kusoo koobay lix kuwaasoo afar kamid ah ay yihiin macalimiin ajanbiga ah oo kala shaqeynayey dowladda Soomaaliya tababarida ciidamadda.

Weerarka xerada Xalane oo martigelisa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaasoo jihada bari kaga aadan yahay meesha ay wax ka dhaceen iyo safaaradaha ajaaniibta ayaa dhaliyey walwal dhanka amniga.

Sidoo kale, goobta ay maleyshiyada gacansaarka la leh Al-Qaacida beegsatay ayaa waxaa ku taala Teendhada lagu dooran doono gudoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM