Muxuu Kala Hadlayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Madaxda Khaatumo?

Image

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Laascaanood, halkaas oo uu la kulmi doono madaxda maamulka Khaatumo. Sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu madaxda Khaatumo kala hadli doonaa arrinta maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka codsan doono maamulka Khaatumo in ay sii daayaan maxaabiistaas, iyadoo xogta tilmaamayso in arrintan uu ka balanqaaday xildhibaanno labada gole ee dowladda Federaalka ka tirsan kuwaasoo kasoo jeeda degaanada Somaliland.

Lama oga jawaabta ay madaxda Khaatumo ka bixin doonaan codsigaas, iyadoo ay jiraan maxaabiis tiro badan oo ku jira gacanta maamulka, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamadii Somaliland.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood, oo noqonaysa tii ugu horeysay ee uu ku tago deegaanno ka baxsan Koonfurta Soomaaliya tan iyo intii xilka loo magacaabay, ayaa welwel ka dhalisay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, wafuud horudhac ah oo ka socda xukuumadda Federaalka ayaa gaaray magaalada Laascaanood, iyadoo ay socoto qabanqaabada booqashada Ra’iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM