Muxuu salka ku haayaa socdaalka Rooble ee dalka Switzerland?
MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xukumadda Xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa la shiray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka hor inta uusan u safrin magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland.
Shirkaan oo laga hadlay doorashada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo masuuliyiin kale .
Safarka Ra’iisul wasaaraha ee dalka Switzerland ayaa salka ku haaya ka qayb galka shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.
Shirkaan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra'iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay sida uu faafiyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
“Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay, ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ah ee ay abaaruhu saameeyeen ay sare u sii kacayaan marba marka ka dambaysa, iyada oo bishii March lagu qiyaasayey dadka abaaruhu saameeyeen inay gaadhayeen illaa 4.9 million oo qof waxaase haatan la sheegayaa in tiradaasi ay marayso illaa 6.1 million oo Soomaali ah oo ay ku jiraan illaa 760,000 oo qof oo barakacayaal ah.
Arrimaha uga sii daraya xaaladda abaaraha ee Soomaaliya waxaa ka mida, iyada oo saadaashu ay sheegayso inay aad u yar yihiin roobabkii la filayey inay da’aan xilligan guga, taasina ay keentay in illaa 6 million oo Soomaali ahi inay haatan ku sugan yihiin xaalad cunto yari oo baahsan.
Sida uu sheegay Eri Kaneko oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in abaaraha ka jira Soomaaliya ay sidoo kale sababeen in illaa 1.4 million oo caruur ahi inay awoodi waayaan inay waxbarashadooda sii wataan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in hay’adaha gargaarku ay illaa 2.6 million oo qof ay gaadhsiiyeen kaalmooyin lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, kaalmadaas oo ay ku jiraan lacago caddaan ah.
Qaramada Midoobay ayaa codsatay inay u baahan yihiin illaa $1.5 billion oo dollar si wax looga qabto xaaladda abaareed ee daran ee jirta, hase ahaatee waxay sheegeen inay heleen oo keliya illaa $66.7 million oo dollar oo u dhiganta 4.5% lacagta ay codsadeen.
Abaaraha daran ee ka jira gobolka Geeska Afrika ayaa ah kuwii ugu darnaa ee soo mara muddo dheer, waana markii ugu horraysay ee muddo afartan sano ah la diiwaangeliyo in afar xilli roobaad oo isku xiga aan roobabku u di’in sidii la fiayey.
GAROWE ONLINE