Muxuu Wasiirka difaaca Soomaaliya kala hadlay dhigiisa Masar?

Image

QAAHIRA - Soomaaliya iyo Masar ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga millateri iyo amniga kadib markii uu dhacay wadahadal dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Masar, Abdul Majeed Saqr, oo ku kulmaymagaaladda Qaahira.

Wadahadalada ayaa diiradda saaray sidii labada dal ay u wadaagi lahaayeen khibradaha Ciidan iyo amniga, iyadoo la xusay muhiimadda iskaashigaasi u leeyahay xiriirka labada wadan, ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Inta lagu guda jiray kulanka Qaahira, waxaa sidoo kale laga hadlay ka qaybgalka Masar ee howlgalka cusub ee AUSSOM, oo ay ka qeybgalayaan qaar kamid ah dalalka Geeska Afrika, iyadoo Masar door wayn ka qaadanayso.

Heshiiskii Madaxweyne Xasan Sheekh August 2024 kula galay Qaahira dhigiisa Masar Al-Siisi ayaa dhigaya in Soomaaliya ay yimaadaan Ciidamo Masaari ah, iyagoo ka sameynaya saldhigyo Militeri, oo ujeedka uu yahay in Itoobiya la saaro cadaadis si ay u joojiyo biyo-xireenka webiga Nile.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiska Masar uu qeyb ka yahay ku aaddan sidii loo dhisi lahaa awoodda difaaca iyo amniga, iyadoo la ogsoon yahay in iskaashiga caalamiga ah uu door muhiim ah ka ciyaaro horumarinta amniga dalka.

Labada dhinac ayaa muujiyay rabitaankooda ah in la sii wado wada shaqeynta, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta. Saaxiibtinimada cusub ee Masar ayaa lagu sheegay mid iyada dano gaar ah ka leedahay, oo inay ka dhigato saaxad ay kula dagaalanto Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM