Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Madaxweynaha Imaaraatka Carabta?

Image

ABU DHABI - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta, Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa Isniintii shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu booqashada shaqo ku joogay dalkaas.

Kulanka, oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi, ayaa waxaa ka qaybgalay hogaamiyeyaasha muhiimka ah ee Imaaraatka Carabta, sida Madaxweyne ku-xigeenka iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Shiekh Mansour bin Zayed, iyo Amiirka Dubai iyo Wasiirka Gaashaandhigga Shiekh Hamdan bin Mohammed.

Kulanku waxa uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha iyo nabadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Imaaraatka Carabta ee dhinacyada horumarka Soomaaliya, isagoo tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay Imaaraatku ka qaadatay horumarka dalka.

Inkasta oo ujeeddada rasmiga ah ee safarka Madaxweynaha Soomaaliya aan la shaacin, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay Imaaraatka Carabta taageerada ay ka geysteen xoojinta amniga Soomaaliya, waxayna sheegeen in safarku uu ka mid noqon karo wada-xaajoodyo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Imaaraatka ayaa xiriir dhaw la leh madaxda Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM