Muxuu yahay buuqa ka taagan doorashada Beledweyne?

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Magaaladda Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka taagnaa xiisad ka dhalatay doorashada 11 kursi oo codayntooda lagu qabanayo magaaladaan iyada oo uu ifbaxay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudalawe Xuseen iyo Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed kaddib markii ay isku qabteen hab maamulka Doorashada kuraasta beesha Xawaadle.

Afar ilo wareed oo kala duwan ayaa Garowe Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Dabageed kulan gaar ah ay yeesheen ay isku fahmi waayeen, sababta waxaa lagu sheegay in Cali uu rabo in tartan furan doorashadu noqoto halka Yuusuf uu damacsan yahay in shaqsiyaad Villa Somalia wadadato kuraastaan lagu wareejiyo.

Khilaafkaan oo kasoo gudbay goobtii ay ku shirayeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa heer sare gaaray, waxaana guuldareystay dedaallo kala duwan uu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle sida laga soo xigtay shaqsiyaad ku sugan xarunta gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in kulankoodii dhawaan labada mas’uul u muujiyeen rejo wanaagsan oo ah in Doorashada kuraasta taalla Baladweyne loo qabto si tartan furan ah.

Goodax ayaa sheegay in xogaha ay heleen ay sheegayaan in uu aragtidaas ay is baddesahay kaddib markii Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Dagabeed uu go’aansaday in kuraastaas dad loo xiro halka uu diiday Madaxweyne Guudlaawe.

“Khilaafka waxa uu salka ku hayaa culeys muddooyinkii dambe jiray oo la xiriira 11ka kursi ee Baladweyne lagu dooranayo, Madaxweynuhu waxa uu waafaqay in kuraasta la furo oo lagu tartamo halka madaxweyne ku xigeenka uu rabo in dad loo xiro” ayuu yrir.

Goodax ayaa hadalkiisa ku daray “kulankii labadaan mas’uul ee Musharixiinta la yeesheen waxa ay u sheegeen in tartan furan la galayo oo way ku wada qanceen musharixiintu balse war ka duwan hadalkaas ayaa soo yeeray oo qoolkii ay sheegeen oo mid kamid ah uu rabo in uu ka baxo” ayuu Cabdullaahi Goodax Barre.

Yuusuf Dabageed ayaa 18kii December 2021 si aan ka gambasho lahayn u sheegay in Kuraasta taalla Baladweyne ay la rabaan Dad ay doonayaan, taasi ayaa keentay cabasho kasoo yeertay Musharixiinta, Odoyaasha Beelaha & Dhinacyada daneynaya Doorashada.

Tan iyo markii Magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa diidmo kala horyimid dadka kunool Magaalada Beledweyne, waxaana taasi ay keentay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu dhowr jeer ka baaqdo in uu tago Magaalada Beledweyne balse Feb 6, 2022 ayaa lagu geeyay awood ciidan ka dib markii magaaladda laga soo saaray Gen Xuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Asad Diyaano oo qaabilay saraakiil kasoo laabatay waxbarasho dibada ah

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan.

  • Soomaliya

    25-12-2024

  • 11:52AM

Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyey madaxwayne ku xigeeno la magacaabay

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay sameeyay magacaabidan.

  • Soomaliya

    25-12-2024

  • 11:14AM