Nicholas Kay: iima muuqato sabab aan raali gelin u bixiyo

Image

November 21, 2014 (GO)- Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo la hadlay idaacada BBC ayaa sheegay inuusan garaneyn sabab ku kalifeysa in uu raali gelin ka bixiyo eedeyn ay usoo jeediyeen qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kay ayaa sidoo kale sheegay in warbixintii uu kasoo saaray khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka iyo musuq maasuqa ka dhex jira baarlamaanku ahayd mid xaqiiqada ku saleysan.

"uma maleynayo inuu jiro wax u baahan in raali gelin laga bixiyo sababtoo ah warbixintii aan horay usoo saaray waa mid muujineysa walaac aan ogahay inay dad badani ila qabaan" ayuu yiri isagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in hay'adaha Dowladda Federaalku midoobaan khilaafka jirana xal ka gaaraan.

Bishan November horaanteedii ayey ahayd markii Ergeyga Qaramada Midoobay ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay si cadaalad ah u shaqeeyaan dhexdhexaadna ka noqdaan khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Dhanka kale wuxuu sheegay inay jiraan xildhibaano codkooda lacag siisanaya arintaasina tahay mid aan munaasib ku ahayn Golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada mooshinka keenay qaarkood oo hadalka Nicholas Kay ka carooday ayaa ka dalbaday inuu raali gelin bixiyo maadaama sida ay ku andacoonayeen uu ku xadgubey sharafta baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM