Nicholas Kay oo cambaareeyey qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay

Image

October 16, 2014 – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyey qaraxii dadka badani ku dhinteen ee xalay ka dhacay banaanka hore ee maqaayad caan ah oo ku taal magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Danjire Kay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid fulaymino oo ay argagixisadu fulisey xadgudubna ku ah mabaadi'da asaasiga ah ee nolosha bini aadamka.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada iyo argagaxisnimada lahaa ee xalay. Waxaan ka naxay sida aan gabi ahaanba loogu turin nafta dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah, oo ay ku jiraan caruur iyo dad jidka marayay. Dambiyada noocaan oo kale ah waxay xadgudub ku yihiin mabaadiida as-aasiga ah ee bini-aadanimada. Waa in si degdeg ah cadaalada lagu horkeeno kuwii ka dambeeyay falkaas.”  Nicholas Kay ayaa yiri.

Weerarkaas oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa ku dhintay shan qof waxaana ku dhaawacmay 15 qof oo kale. Dhammaan dadka qaraxaas waxyeeladu kasoo gaartay waxay ahaayeen dad rayid ah.

Qarax kale oo isla shalay Muqdisho ka dhacay waxaa lagu diley sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka iyo afar qof oo rayid ah, dhammaan mas'uuliyadda qaraxyadaasna waxaa sheegtay Ururka Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM