Nicholas Kay oo Golaha Ammaanka uga warbixiyey xaalada Somalia

Image

October 15, 2015 (GO)- Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shalay (Talaado) uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka.

Danjire Kay wuxuu ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey hawlgallada ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM kula wareegeen deegaano badan oo Al-shabab horay ugu talinaysey gaar ahaan Baraawe oo ahayd xaruntii ugu weyneyd Al-shabab.

Hawlgalladaas ayuu Ergeyga Qaramada Midoobay tilmaamay inay si fiican u wiiqeen awoodii militeri iyo middii dhaqaale ee kooxdaasi lahayd, taasina tahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.

"dilka hogaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane iyo guulihii militeri ee dhowaan la gaarey ayaa Al-shabab u wiiqay militeri ahaan iyo dhaqaale ahaan labadaba" Nicholas Kay ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey in bilo kahor khatarta dhanka Al-shabab ka iman kartey aad uga xooganayd sida ay maanta tahay.

Dhanka siyaasadda iyo dhismaha maamulka dawliga ah mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in horumar kooban laga sameeyey laguna guuleystey dhismaha maamul goboleedyo cusub iyo xallinta khilaafaad horay u jiray, haseyeeshee weli dhiman tahay ka qayb gelinta siyaasadda ee dumarka iyo dhallinyarada

Si loogu guuleysto qorshaha la higsanayo sanadka 2016, Nicholas Kay wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay in la dedejiyo labo arimood, kuwaasoo ah dhismaha gudiga heerka qaran ee madaxa banaan ee doorashada iyo gudiga arimaha federaalka iyo xuduudaha. Isagoo taas sharaxaya waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

"si gaar ah ayaan anigu weli uga welwelsanahay halista Soomaaliya ugu jirto khilaafka siyaasiga ah ee soo kala dhex gala madaxda dalka...12kii bilood ee lasoo dhaafay labo jeer ayuu khilaafka caynkaas ahi caqabad ku noqday shaqada dowladda"

Goleyaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka wuxuu Nicholas Kay ku booriyey inay dedejiyaan shaqooyinka laga rabo, si loo dhamaystiro geedi socodka loogu gogol xaarayo in doorasho xor ah dalka oo dhan looga dareero marka la gaaro sanadka 2016.

"haddii baarlamaanku go'aanno deg deg ah qaadan sharciyada muhiimka ahna ansixin Soomaaliya marna ma gaari doonto himilada ay higsanayso ee ah dastuur cusub iyo doorasho si dumuqraadi ah u dhacda oo ka qabsoonta Soomaaliya sanadka 2016"

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in booqashadii taariikhiga ahayd ee xubno ka socdey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay magaalada Muqdisho ku tageen ay tusaale cad u tahay sida beesha caalamka uga go'an tahay in Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaya burbur iyo dagaalo sokeeyo si hagar la'aan ah loo taageero.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay, wuxuu shalay magaalada Garowe kaga qayb galay munaasabad lagu saxiixayey heshiis 12 qodob ka koobnaa oo Dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland kala saxiixdeen.

Heshiiskaas ayaa la filayaa inuu soo afjaro khilaaf mudo dheer soo jiitamayey oo ka dhex jirey labada dhinac, inkastoo dadka siyaasadda ka faaloodaa walaac ka muujinayaan in qodobada lagu heshiiyey dhaqan geli doonaan iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM