Nidaamka Farmaajo oo galay "dhiig-baxii ugu dambeeyay"
MUQDISHO, Soomaaliya – Galinkii dambe Isniinta ciidamo dharcad ah oo ka tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa weerar “isku day dil” loogu yeeray ku qaaday guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Ciidankaan oo ka tirsan kuwa NISA ee ka howlgala garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.
Dhaarinta xildhibaanadaan waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya si ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa dhaarinta 16-ka xildhibaan ka dib sheegay in laamaha ammaanku ay soo weerareen hotelkii ay dhaarinta xildhibaanada ku qabanayeen.
Guddoomiye Cabdisalaan ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee dawladdu ay ka hor istaageen inay kulan ku qabsadaan dhismayaal kala duwan oo dawladda ah, taasina ay ku khasabtay inay ugu dambayn ay dhaarinta xildhibaanada ku qabsadaan hotelka Decale oo ah mid gaar loo leeyahay.
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey waxa uu ugu yeeray ficillada gurracan iyo iskudayada lagu bartilmaameedsaday guddoomiyaha KMG iyo xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq. Ra'iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay taliyayaasha ciidamada booliska iyo nabad-sugiddu inay ku lug yeeshaan falal lagu carqaladaynayo habsami u socodka doorashada.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa ayaa lagu yiri "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo”
Rooble wasiirka 1aad ee xukumadda ayaa ugu digay taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan “falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada”.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag."
Dhankiisa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa nasiib darro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ficilladaas uu u dambeeyey weerarkii lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo ka qeyb-galayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo laga soo doortay Jubbaland.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku goodiyey in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday, kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya.
“Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan adag isla markana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya taas oo masuuliyadeeda ay qaadayaan saraakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.
Ilo wareedyo amaan Garowe Online u sheegay in askarta weerarka qaaday ay dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.
Dhaarinta xildhibaanadaas waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.
Waxaa xalay aad baraha bulshada loogu baahiyey muuqaallada ragii la qabtay oo indhaha ka xiran, waxaana la sheegay in lagu wareejiyey ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.
Farmaajo oo mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Sanad ka hor ayaa qaaday dhowr tilaabo oo uu ku cuuryaaminayo geedi socodka doorashada si uu waqti dheeri ah u sii joogo xafiiska oo ay raadinayaan ugu yaraan 20 musharax.
GAROWE ONLINE