NISA oo ku fashilantay in ay baajiso dhaarinta Xildhibaanada Gedo

Image
Ciidamadda Puntland ayaa qabtey "maleyshiyaad" hay'adda u dirtay in ay weeraraan goobta ay ka dhacdey xafladda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka socda hay'adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa la sheegay in ay weerareen gobtii lagu dhaarinayey xildhibanadii lagu soo doortey degmada Ceelwaaq gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Airport Hotel oo ku dhexyaala xerada Xalane ay ka dhaceysay dhaarta xildhibanadaas waxaa goobta ku sugnaa gudoomiyaha KMG ah aqalka hoose Dhabancad. 

Sida xogta Garowe Online soo gaareyso shegeeyso waxaa jira  isku dhac dhexmarey ciidamada Ilaalada Madaxweyne Puntland iyo kuwa NISA.  Ma jiro wax khasaare ah balse warar ayaa sheegaya in 5 kamid ah kooxdii NISA oo rabtey Iney joojiso dhaarta la qabtey.

Gudoomiyaha ku meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Dhabancad ayaa saxaafadda u sheegay: " Mar walba waxaa noola maleegaa shirqool fullintiisa loo adeegsanayo ciidanka dowladda, laakiin waxaa inaga go'an dhammeystirka doorashada xitaa haddi aan nafteyda ku weynayo".

"Teendhada Afasiyooni waxaa naga soo eryay taliyaha booliska. Markii ugu dambeysay hoteelkii aan imaaney ayaa nalku xabadeeyay," ayuu hoosta ka xariiqay guddoomiye Dhabancad.

Ciidamadda Puntland ee ku sugan xerada Xalane ayaa howlgalka ATMIS u gacan-geliyey "askar ka tirsan ka tirsan hay'adda sirdoonka Soomaaliya kuwaasoo lagu eedeeyay in ay weerareen munaasabadda dhaarinta Xildhibaanadda laga soo doortey gobolka Gedo ee Jubaland".

Talaabadan ayaa dad badan waxay ku qeexeen isku-daygii ugu dambeysay ee maamulka Farmaajo ku doonayey in uu ku curyaamiyo geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya oo horay sanad iyo bar dib uga dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM