PL oo shuruud ku xirtay bixinta Sim Card-ka moobilka iyo xawilaada lacagaha

Image

October 30, 2014 (GO)- Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Puntland oo tixraaceysa xeerar ay horay usoo saareen madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir ayaa amar ku siisay shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawilaadda lacagaha ee ka hawlgala Puntland in kaarka moobilka la gashado (Sim Card-ka) aan lasiin karin qof aan haysan kaarka aqoosiga muwaadinka Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in qof aan haysan aqoonsiga muwaadinimada Puntland lacag u diri karin qof kale iyadoo la faray gudoomiyeyaasha degmooyinka inay ku dhiiri geliyaan muwaadiniinta inay is dhaqso ah kaararka aqoonsiga ku sameystaan.

Amarkan ayaa lagu shaaciyey wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Axmed Cilmi Cismaan Karaash warqadaas oo ku taariikheysan October 27, 2014.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kaarka aqoonsiga muwaadinka reer Puntland qaatay Feb 20, 2014 kadib markii uu booqday xarunta dowlada hoose ee degamada Garowe.

Qorshahan ayaa hadii uu dhaqan galo wuxuu gacan ka geysan doonaa sugidda ammaanka iyo weliba in laga hortago qulqulka lacagaha sharci darrada ah maadaama ay fududaan doonto in la daba galo dembiileyaasha iyo cid kasta oo laga shekiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM