PL oo shuruud ku xirtay bixinta Sim Card-ka moobilka iyo xawilaada lacagaha

Image

October 30, 2014 (GO)- Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Puntland oo tixraaceysa xeerar ay horay usoo saareen madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir ayaa amar ku siisay shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawilaadda lacagaha ee ka hawlgala Puntland in kaarka moobilka la gashado (Sim Card-ka) aan lasiin karin qof aan haysan kaarka aqoosiga muwaadinka Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in qof aan haysan aqoonsiga muwaadinimada Puntland lacag u diri karin qof kale iyadoo la faray gudoomiyeyaasha degmooyinka inay ku dhiiri geliyaan muwaadiniinta inay is dhaqso ah kaararka aqoonsiga ku sameystaan.

Amarkan ayaa lagu shaaciyey wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Axmed Cilmi Cismaan Karaash warqadaas oo ku taariikheysan October 27, 2014.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kaarka aqoonsiga muwaadinka reer Puntland qaatay Feb 20, 2014 kadib markii uu booqday xarunta dowlada hoose ee degamada Garowe.

Qorshahan ayaa hadii uu dhaqan galo wuxuu gacan ka geysan doonaa sugidda ammaanka iyo weliba in laga hortago qulqulka lacagaha sharci darrada ah maadaama ay fududaan doonto in la daba galo dembiileyaasha iyo cid kasta oo laga shekiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM