Puntland iyo UNCEF oo daahfuray mashaariic la fulinayo shan soo socota

Image
Dowladda Puntland ayaa soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaan lagula soconayo mashaariicda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Shirka Dowladda iyo Hay’adda UNICEF, Kaasi oo lagula ogaanayo mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulinayso Puntland 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo boggaadiyey shaqada UNICEF ka hayso Soomaaliya gaar ahaan Puntland, ayaa la wadaagay Shirka in laga wada shaqeeyo hufnaanta mashaariicda sii loo hubiyo in caawimaadu gaartay dadkii loogu talagalay.

Dowladda Puntland ayaa soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaan lagula soconayo mashaariicda sida, qaabeynta, qosheynta, fulinta iyo qiimeynta in laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa. Habraacan ayaa fududeyn doona wada shaqeynta Dowladda, Hay’adaha fulinaya iyo deeq bixiyaha maalgeliyay.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasaraadaha Qorsheynta , Caafimaadka , Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada , Cadaaladda, Haweenka , Gargaarka, Ururada Bulshada iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo wajahan Beledweyne

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu Beledweyne kula kulmo Odayaasha labada dhinac, iyo hogaamiyaha Hiiraan State.

  • Soomaliya

    09-01-2025

  • 04:55AM

Wasiir Maareeye oo sheegtay Mashruuca uu bixiyay Bangiga Adduunka

Waxay Wasaaradda Beeraha Puntland ay nasiib-darro ku tilmaantay in Wasaaradda Beeraha DFS aysan lasoo wadaagin wax macluumaad ah.

  • Soomaliya

    08-01-2025

  • 03:43PM