Puntland oo joojisay jillaabashada aargoosatada

Image

Arbaco, Sept 17, 2014 (Garowe Online)- Wasaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland ayaa sheegtay inay mamnuucday jillaabasahda aargoostada ilaa bisha saddexaad ee sanadka 2015.

Amarka kasoo baxay Wasaaradda waxaa shaaciyey Wasiiru Dowlaha Kalluumaysiga Puntland Cabdiraxmaan Kulmiye oo sheegay in looga gol leeyahay sidii loo kobcin lahaa khayraadka badda loona ilaalin lahaa kalluunka gaar ahaan aargoostada oo khatar ugu jirta inay dabar go'do.

Kulmiye ayaa intaas raaciyey in amarkani uu yahay mid lagama maarmaan ah khasabna ay tahay inuu dhaqan galo, isagoo dhanka kale u digay Kalluumaysatada shisheeyaha ah ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysanaya xeebaha Puntland.

Caaqil Mursal Nuur Xooshle oo ka mid ah odayaaasha degmada Bandarbelya ayaa sheegay inuu ka xun yahay go'aanka lagu mamnuucay aargoostada, wuxuuna ka codsaday dowladda in bishan loo fasaxo dadka ka ganacsada aargoostada maadaama aan markii hore lagu wargelin, aargoosto badan oo lasoo saarayna ay bannaanka taal.

Kalluumaysatada  ayaa caqabad u arka go'aanka, waxayna dowladda ugu baaqeen inay ka laabato amarkan oo sida ay sheegeen nolol maalmeedkooda caqabad ku noqon doona.

Maraakiib shisheeye ayaa si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Puntland, xilli dhowaan Dowladda Puntland ay shaacisay inay si weyn ula dagaallami doonto kalluumaysiga sharci darrada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM