Qabyo-tirka dastuurka Soomaaliya oo laga shiray xilli uu khilaaf ka jiro

Image
Qaar kamid ah maamulada dalka iyo mucaaradka ayaa geedi socodkan waxay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha Guddiyada ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ayaa warbixin ka siiyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa la tashiyadii iyo soo jeedinta waxka bedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo hadda maraya wajigii 2aad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay una mahadceliyay Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM