Qarax culus oo ka dhacay Kenya iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MANDHEERA - Qaraxa oo ka dhacay tuuladda Yadoo u dhaxeysa Dhamase iyo Ceelwaaq oo dhamantooda ka tirsan gobolka Mandhere ee Woqoyi Barri dalka Kenya ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay oo la kacday Gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in Qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkaana laga maqlay guud ahaan degaanada ku dhow halka uu Qaraxu ka dhacay oo ah meel Baadiyo ah.

Al-Shabaab oo dusha saaratay masuuliyadda weerarkaan waxay sheegatay in ciidamada ay beegsadeen ay ahaayeen Booliska Kenya, islamarkaana la socdeen Kolanyo baabuur ah, islamarkaana Miinada ay la haleeshay mid kamid ah Gaadiidka AMISOM.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaas ku daraya in burbur xoogan uu soo gaarey Gaariga, islamarkaana ay ku dileen dhamaan Askartii la socotay Gaariga oo ay ky sheegtay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida inuu ahaa kuwa Booliska dalka Kenya.

Dowladda Kenya dhinacooda illaa iyo haatan jawaab kama aysan soo bixin warka kasoo yeeray Al-Shabaab ee ku aadan Qarax ka dhacay inta udhaxeysa Dhamase iyo Ceelwaaq ay ku dileen tirro kamid ah Askarta dowlada Kenya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Qarax Miino oo lagu eegtay Kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya meel ku dhow Keymaha Boni lagu dilay Lix kamid ah Askarta dalkaas, islamarkaana dhaawaca uu kor udhaafayo Tobbaneeyo.

In ka badan 100 kamid ah askarta dowladda Kenya ayaa la sheegay in lagu dilay weerarada ay xoogaga Al-Shabaab ka fuliso goboladda Woqooyi Bari saddexdii sano ee lasoo dhaafay, taasoo sababtay in shacabka dalkaas ay socdaan in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM