Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho [Fah-faahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax Miino ay kula kacday Guuto uu ka tirsanaa oo ku sugneed degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada meelaha fog laga hago, ayaa laga soo wariyay Isgoyska Ifka-Xalane, ee degmada Dayniile, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada katirsan kuwa dowladda, gaar ahaan Xasilinta Caasimadda.

Goobjoogayaal la hadlay Warsidaha Garowe Online, waxay sheegeen in Askariga goobta looga qaaday dhaawac ahaan, balse markii dambe uu ku dhintay Jidka intii loo sii waday mid kamid ah xarumaha caafimaad ee Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay ilaa hadda mas'uuliyadda Qaraxa, laakiin falalka noocaan ah Al-Shabaab ayaa looga bartey inay ka fuliso caasimadda iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Qaraxa ayaa ah falkii ugu horeeyay ee Lidi ku ah amaanka magaalada, oo martigelisay bishii tagtey ee Ramadan-ka dilal isdab joog ah, oo qaarkood loo qeystay odayaal kamid ahaa ergadii doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isgoysyadda waa weyn ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo daabulay ciidamo, waxaana la xiray wadooyinka Jid-cadayaasha ee soo gala laamiyada, taasoo cabad ku noqotay inay Dadka isaga kalal gudbaan magaalada.

Amaanka ayaa lasoo xoojiyay, waxaan la kordhiyay Ciidamada jooga wadooyinka kahor imaanshaha Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia oo maanta booqasho gaaban ku yimid Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM