Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho [Fah-faahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax Miino ay kula kacday Guuto uu ka tirsanaa oo ku sugneed degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada meelaha fog laga hago, ayaa laga soo wariyay Isgoyska Ifka-Xalane, ee degmada Dayniile, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada katirsan kuwa dowladda, gaar ahaan Xasilinta Caasimadda.

Goobjoogayaal la hadlay Warsidaha Garowe Online, waxay sheegeen in Askariga goobta looga qaaday dhaawac ahaan, balse markii dambe uu ku dhintay Jidka intii loo sii waday mid kamid ah xarumaha caafimaad ee Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay ilaa hadda mas'uuliyadda Qaraxa, laakiin falalka noocaan ah Al-Shabaab ayaa looga bartey inay ka fuliso caasimadda iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Qaraxa ayaa ah falkii ugu horeeyay ee Lidi ku ah amaanka magaalada, oo martigelisay bishii tagtey ee Ramadan-ka dilal isdab joog ah, oo qaarkood loo qeystay odayaal kamid ahaa ergadii doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isgoysyadda waa weyn ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo daabulay ciidamo, waxaana la xiray wadooyinka Jid-cadayaasha ee soo gala laamiyada, taasoo cabad ku noqotay inay Dadka isaga kalal gudbaan magaalada.

Amaanka ayaa lasoo xoojiyay, waxaan la kordhiyay Ciidamada jooga wadooyinka kahor imaanshaha Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia oo maanta booqasho gaaban ku yimid Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM