Qarax kale oo ismiidaamin ah oo caawa Muqdisho ka dhacay

Image

October 15, 2014 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyoodey siddeed qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo caawa fiidkii ka dhacay agagaarka Ex-Fiyoore oo ka tirsan degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo noqonaya kii labaad ee muddo 24saac gudahood ah magaalada Muqdisho ka dhaca, waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Dadka weerarkaas ku dhintay dhammaantood rayid ayey ahaayeen, waxaana ku dhaawacmay oo qaarkood xaaladoodu halis tahay ku jira labo weriye oo midkood ka tirsan yahay TV-ga qaranka.

Ciidamada ammaana ayaa xiray agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, goobtaasoo waxyar ka durugsan xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Dhanka kale, Al-shabab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxii saddex maalmood kahor lala eegtay maqaayadda Oroma iyo kii galabta lagu diley sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugida qaranka iyo afar qof oo kale oo rayid ahaa.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii u dambeeyey ammaanka magaalada Muqdisho kasoo raynayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Al-shabab geysan jirteyna aad hoos ugu dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM