Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Banadir ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo goordhaw lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo maraayay agagaarka Isgoyska Banaadir, gaar ahaan naxaawiga Isbitaalka Kalkaal.

Gaariga qaraxa miinada lala eegtay ayaa waxaa saarnaa Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Jen Maxamed Xaashi iyo ilaaladiisa, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa miinada nooca la dhigo wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa sababay dhimashada saddex ruux oo laba ka mid ah ahayeen askartii gaariga iyo qof shacab ah oo goobta maraayey, waxaana gaariga qaraxa lala beegsaday saarnaa Jenaraal Maamed Xaashi Guuleed oo ka tirsan Militariga Soomaaliya waxeyna wararka aan heleyno sheegayaan in Jenaraalka qudhiisa uu soo gaaray dhaawac xoogan.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa kasoo baxay xarunta Villa Baydhabo waxaana la sheegay inuu kusii jeeday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaana laga yaaba in khasaaraha uu intaa kasii bato.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili maalinta barito ah ay bilaabaneyso doorashada gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in weerar qarax ku bilowday uu ka goob ku taala agagaarka xeebta liido maalmihii lasoo dhaafay iyadoo weerarkaas lagu beegsaday saraakiil sare sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo xubno ka tirsan xildhibaanada dhawaan lasoo doortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM