Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Banadir ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo goordhaw lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo maraayay agagaarka Isgoyska Banaadir, gaar ahaan naxaawiga Isbitaalka Kalkaal.

Gaariga qaraxa miinada lala eegtay ayaa waxaa saarnaa Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Jen Maxamed Xaashi iyo ilaaladiisa, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa miinada nooca la dhigo wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa sababay dhimashada saddex ruux oo laba ka mid ah ahayeen askartii gaariga iyo qof shacab ah oo goobta maraayey, waxaana gaariga qaraxa lala beegsaday saarnaa Jenaraal Maamed Xaashi Guuleed oo ka tirsan Militariga Soomaaliya waxeyna wararka aan heleyno sheegayaan in Jenaraalka qudhiisa uu soo gaaray dhaawac xoogan.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa kasoo baxay xarunta Villa Baydhabo waxaana la sheegay inuu kusii jeeday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaana laga yaaba in khasaaraha uu intaa kasii bato.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili maalinta barito ah ay bilaabaneyso doorashada gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in weerar qarax ku bilowday uu ka goob ku taala agagaarka xeebta liido maalmihii lasoo dhaafay iyadoo weerarkaas lagu beegsaday saraakiil sare sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo xubno ka tirsan xildhibaanada dhawaan lasoo doortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM