Qoor Qoor oo ku hungoobay safarkiisii "dalaalnimada" ee Baydhabo
DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku hungoobay safar uu ku tagay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay si uu “dalaal’ uga noqdo kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 ee uu raadinayo Fahad Yaasiin Xaajir Daahir.
Sida ay Garowe Online u sheegeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dhuusamareeb, Qoor Qoor iyo Aadan Qoryooley oo wakiil ahaa Fahad Yaasiin ayaa doonayay in la isku xiro qadiyada Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo tan Fahad Yaasiin "balse arrintaasi way fashilantay markii ay xaalada soo faragaliyeed diblumaasiyiinta Xalane ku sugan".
Shir muddo saacado ah ka socday oo talaadadii Hotel Decale ku dhexmaray xubno aad ugu dhow ra’iisul wasaaraha, sida wasiirka waxbarashada Injineer Cabdullaahi Carab, Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ku-xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka ayaa loo xilsaaray in ay kasoo talabixiyaan go’aanka laga gaarayo kuraastan iyo sida looga kug bixi karo cadaadiska Reer Galbeedka ayaa keenay in guddiga loo diro Baydhabo xalna ka gaaraan khilaafka kuraasta.
Tagista guddiga ee Baydhabo iyo xal ka gaarista kuraasta ayaa meesha ka saaray doorkii hogaamiyaha maamulka Galmudug uu ku doonayay in lagu faso kursiga Fahad Yaasiin ee laga dhaganyahay.
Garowe Online ayaa fahamsan in Xubnaha ka tirsan safaaradaha UK, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Xafiiska QM ee hawshan garwadeenka ah ay aaminsan yihiin inuu dhaqaaqay tareenka doorashada, xafladda dhaarintana ay waqtigeeda ku dhacayso, ayada oo la filayo maanta la qabto xaflada dhaarinta xildhibaanada.
Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa socdaalka Qoor Qoor ku sifeeyay "Political Forex dallaalnimo ah si kursiga Fahad Yaasiin loogu dhex qariyo kuraasta koonfur Galbeed” ayuu yiri Fiqi oo hadalkiisa ku daray “Ilaahow khilaaf siyaasadeed na tusi aan ka macaashnee aa la dhahaa kooxda Qoor Qoor".
Fiqi oo soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka iyo Taliyaha NISA, ayaa wax laga xishoodo ugu yeeray socdaalka Qoor Qoor “ Xili Galmudug ay ku jirto xaalad halis ah, Al Shabaab ku hareeraysanyihiin Caasimadda Galmudug”.
Qoor Qoor ayaa Baydhabo ka sheegay in uu u tagay Koofur Galbeed xalinta tabashada Laftagareen ka qabto doorashooyinka, gaar ahaan khilaafka Laftagareen iyo Rooble ee salka ku haya kuraasta la go’aamiyey in dib loogu laabto doorashadooda.
Qoor Qoor ayaa sheegay in uu reer Koonfur Galbeed ka raali geliyey wax kasta oo ay u arkeen in looga gardaran yahay, isagoo u balan qaaday in ka wafdi ahaan ay wax kasta oo tabasho ah diyaar u yihiin in ay xal kama dambeys ah ka keenaan.
GAROWE ONLINE