Qoorqoor: Doorashada madaxtooyada xubno ku filan waa diyaar

Image
Madaxweynaha Galmudug ayaa bilaabay dadaalo uu ku cadaadinayo guddiyada doorashooyinka.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Gaalkacyo ayaa sheegay in uu soo jeedinayo in la guda galo doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha oo aan dalka laga lumin waqti kale.

Isaga oo la hadlaayay xildhibaanada laba aqal ee ka soo baxay deegaan doorashada maamulkiisa “Waxa aan rabnaa in Dalka markale uusan dib ugu noqon is jiid-jiid, Xildhibaanno ku filan doorasho waa diyaar, waxa aan dooneynaa in horay loosii galo oo aan Dalka lagu heyn jiitan dambe, Saaxiibadii Beesha Caalamka ee Soomaaliya gacansiinayay niyad-jab intaas ka badan nagu qabin, waxaa ku xiran la dagaalanka Argagixisada, Abaaraha & in Dalka horay ugu socda” .

Qoor Qoor, oo ka mid ah maamulada waqtii loo qabtay ku soo gabagabeeyay doorashada golaha shacabka ayaa hadalkiisa raaciyay “Waqtiba uma baahna in lasii wado oo waxaa la doonayaa in haddaba la isu geeyo Baarlamaanka si uu u doorto Guddoonka & Madaxweynaha, sidaad darteed Dalka inta uu dib u dhac qabo ayaa ku filan si uu uga baxo dabaca iyo jiitanka muddada dheer taagnaa”.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa sheegay in Doorashadu ay dhacday iyada oo maamulku ka shaqeynayo ammaanka & wax ka qabashada Abaarta maadaama Galmudug aanay joojin ciidan gaar ah oo AMISOM ah marka laga soo tago magaaladda caasimadda u ah ee Dhuusamareeb.

"Ciidamada Booliiska, Daraawiishta & Xoogga Dalka waxa ay muujiyeen mas’uuliyad dhab ah oo ay ku xaqiijiyeen in Doorashadu ku dhacdo si amni ah, waa in aan u abaalgudnaa saraakiishii & ciidamadii ka shaqeeyay” ayuu yiri Axmed Qoor-Qoor inkastoo Gaalkacyo laga soo wariyay xiisado ka dhashay maamulka doorashada intii uu maamulka waday codaynta.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in doorashooyinkii la qabtay ay kusoo baxeen Xildhibaanno ka aragti duwan iyo kuwa ay isku dhaw yihiin balse kala xulashadoodu loo fiiriyay wax u qabashada Deegaannada ay metalayaan sida uu hadalka u dhigay.

"Xildhibaannadii labada la doortay hambalyo & bogaadin kaddib waxa aan idin leeyahay deegaannadiina la socda duruufaha & waxyaabaha ku xeeran iyo in Galmudug ayaad ugu timaadaan 4ta sano soo socota waxqabad aad sameyseen” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Sanadkaan waxaa la doortay Xildhibaannada labada Gole oo lagu jilba murxay oo sida la wada qiray ay yihiin Dad aad u sareeya oo Soomaali ka dhex muuqda , sida ay kusoo baxeenna anigu isku amaani maayo waxa aan qabaa kalsooni xubno iga aragti duwan oo isku meel aan siyaasad u wadin in ay usoo baxeen Galmudug, waxa aan aaminsanahay kala duwanaashiyuhu waa waqti kooban, waxgalnimaduna waa wax dheer, isku xirnaada oo door muuqda ka qaata Doorashada heer Qaran” ayuu yiri MW Qoor-Qoor.

Hadalkaan ayaa ka soo yeeray Qoor Qoor saacado uun ka dib markii Maamulkiisu diiday jadwal uu soosaaray Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee (FEIT) oo la xiriira hubinta Kuraasta la doortay, shahaado siinta & dhaarinta oo loo qorsheeyay in ay dhacdo 14-ka April 2022.go’aanka guddiga waxaa taageeray dowladda Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku adkaystay in dalkiisa uu qeyb ka noqdo AUSSOM, codsi haatan la dhammaystirayo.

  • Soomaliya

    13-01-2025

  • 02:50PM

Markab Kalluumeysi oo Laga leeyahay Shiinaha oo la Sii Daayay Kadib Labo Bil oo Afduub ah

Soomaaliya sidoo kale waxay wajahaysaa kalluumeysi sharci-darro ah oo ka socda xeebaha dhererkoodu yahay 3,333KM.

  • Soomaliya

    13-01-2025

  • 02:29PM