Qorshihii Laftagareen ee "curyaaminta" doorashada oo dhicisoobay

Image
Tallaabadan ayaa sidoo kale waxay dhabar jebin ku tahay kooxda madaxweynihii hore Farmaajo.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa weli wada bixinta shahaado siinta xildhibaan cusub ee dhowaan la soo doortay, wuxuuna guddiga howshan si rasmi ah u bilaabay shalay oo ku beegneyd 2-da bisha 4-aad ee April.

Guddiga ayaa illaa iyo hadda shahaadada guddoonsiiyey dhowr xildhibaan oo ka tirsan xubnaha cusub ee Golaha Shacabka, taas oo meesha ka saartay murankii ka dhashay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub iyo sidoo kale shahado siintooda.

Xubnaha shahaadooyinkooda maanta la guddoonsiiyey waxaa ka mid ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku guuleystay kursiga HoP#189, wuxuuna noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee lagu soo doortay Koonfur Galbeed ee guddiga FEIT ka qaata shahaadada xildhibaanimo.

Aadan Madoobe ayaa u sharraxan xilka afhayeenka baarlamaanka federaalka Somaaliya oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa yiri “Xildhibaanada walaalaheyga ah ee KGS waxaan leeyahay dib u dhac kale oo doorasho sabab ha u noqonina ee qaata shahaadadiina”.

Sidoo kale xildhibaanka labaad ee Koonfur Galbeed ka socda ee iska diiwaan-geliya guddiga FEIT ayaa waxa uu noqday Shariif Maxamed Cabdalla oo ku soo baxay kursiga HOP#085.

Is-diiwaan-gelinta xildhibaanadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Koonfur Galbeed ay horey uga hortimid tallaabada uu qaaday guddiga doorashooyinka FEIT, sidoo kalena sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay guddoomiye Yuusuf Geelle Ugaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen labadaa xildhibaan ayaa dhabar jebin ku ah Lafta Gareen iyo maamulkiisa oo ku dhow kooxda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.

Guddiga ayaa shalay maanta diiwaan galiyay ku dhawaad 100 xildhibaan oo ku soo baxay codayntii ka dhacday magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee goboladda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM