Qoyska Ikraan oo ganafka ku dhuftey hadalka Fahad Yaasiin

Image
Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ku wargelisay madaxii hore ee NISA "in aysan gilgilasho uga baxeyn falaarta".

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaali Maxamuud Guhaad, hooyadda Ikraan Tahliil Faarax, ayaa hadalada maanta kasoo yeeray agaasimihii hore ee hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Daahir ku tilmaamay "wax qof weyn uusan ku hadlin".

Muuqaal laga soo duubay ayay Fahad ugu sheegtay "in falaarta aysan gilgil-gasho uga baxeyn" taasoo laga yaabo in ay ula jeedo in wax kasta oo uu haatan sheego aysan jiri doonin cid ka dhageysaneysa.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayay cod dheer waxay kaga dalbatay baaritaan iyo maxkamadeyn cusub "xataa haddii loo baahdo khuburo ajnabi ah lagu soo daro".

"Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay gabood-falkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa ku sameeyeen shacabka Soomaaliyeed yaysan dhicin. Ummaddan cadaalad bay u baahan tahay," ayay tiri.

Fahad Yaasiin ayaa maanta sheegay in Ikraan ay ku baxdey gacanta ra'iisul wasaare Rooble, wasiir ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala, taliyaha cusub ee NISA, Mahad Salaad, iyo Al-Shabaab.

"Maxamed Cabdullaahi Farmaajo naguma soo caawin xilkiisa madaxwaynimo waana u haystaa aakhiro iyo aduun xubintii muwaadinimo ee aan u baahnaa," ayay hoosta ka xariiqay hooyo Qaali.

Dhinacyadda uu eedeeyay Fahad ayaa illaa haatan ka jawaabin dhawaqa lataliyihii hore ee amniga qaranka. Hase ahaatee, eeddo kuwaan lamid ah ayay dhankooda horey ugu jeediyeen Fahad Yaasiin Daahir.

"Kiiskan waa in si degdeg ah baaritaan loogu furaa xataa haddii loo baahdo khabiiro ajnabi ah lagu soo daraa wixii horeyna meesha laga saaro maxkamadeyn cusubna lagu bilaabo," ayay hoosta ka xariiqdey.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata, Qaali ayaa ku dhaleeceysay Fahad in uu u beegsanayo Rooble, Al-Cadaala iyo Mahad in ay hormuud ahaayeen dedaaladda ay qoyska Ikraan ku goobayeen cadaaladda.

Galka Ikraan oo hay'adda mukhaabaraadka Soomalaiya ka ahayd madaxa amniga internet-ka ayaa u muuqda mid si fudud ku xirmi doonin isla markaana uu noqon doono boog cusub oo laga damqin karo kooxda Farmaajo xilli kasta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM