R. Wasaaraha oo aqbalay go'aanka barlamaanka iyo Madaxweynaha oo soo dhoweeyey

Image

December 6, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa aqbalay go'aankii baarlamaanku kalsoonida kagala noqday xukuumaddiisa.

Af-hayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda in Cabdiweli Sheekh aqbalay islamarkaana raali ka yahay in aqlabiyadda xildhibaanada baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen xukuumada uu hoggaamiyo ee soo shaqeynaysay laga soo bilaabo 17-kii bishii January ee sanakan 2014.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu baarlamaanku qaaday isagoo hambalyo u diray xildhibaanada mooshinka soo gubiyey iyo weliba kuwa kasoo horjeedey ee Ra'iisul Wasaaraha taageersanaa.

 "waxaan rabaa in aan u mahad celiyo dhammaan Xildhibaanada kuwa haa ku codeyey, kuwa maya ku codeyey iyo kuwa ka aamusayba, waxaan kale oo ku ammaanayaa ogolaanshaha ay ogolaadeen xeerka u degsan iyo sida ay ugu dhaqmeenba, waxaan lee yahay ma jirto cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay" Madaxweynaha ayaa yiri.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ammaan u jeediyey Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh iyo golihiisa wasiirada oo sida uu tilmaamay mudadii tobanka bilood ahayd ee ay soo shaqeynayeen hawlo badan oo wax ku ool ah dalka usoo qabtay.

Fadhiga baarlamaanka maanta ee codka kalsoonida loogala noqday Ra'iisul Wasaaraha waxaa soo xaadiray 235 xildhibaan, 153 xildhibaan ayaa u codeeyey in xukuumadda la eryo halka 80 kale diideen labo xildhibaan oo qurana ka aamuseen.

Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqonayaa Ra'iisul Wasaarihii labaad ee mooshin laga keeno kadibna kalsoonida lagala noqdo mudada labada sano iyo bilaha ah ee ay jirtey Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM