Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku tagey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid caasimadda Muqdisho.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa Madaxtooyada ku leh wada-hadallo ku saabsan sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhinacyada amniga, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga, ilaalinta xasilloonida gobolka iyo la dagaallanka argagixisada, taas oo caqabadda ku ah horumarka shucuubta labada dowladood.

Kahor imaanshaha Abiy Axmed, nawaaxiga Garoonka waxaa kusoo dhacay dhowr hoobiye, oo khasaaro geystay, iyadoo amniga dartiisa loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho, lana joojiyay duulimaadka diyaaradaha shacabka.

Labada dal ayaa heshiis ku gaarey magaalada Ankara ee dalka Turkiga bishii December 2024, kaas oo lagu soo afjaray xiisaddii u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu la galay Somaliland.

Heshiiska Ankara ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta xiriirka labada dal, isagoo dhameystiraya wadahadallada iyo iskaashiga gobolka.

Booqashadan ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo labada hogaamiye ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah oo saameyn ku leh iskaashiga labada dal iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM