Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shaaciyay Khataraha Jiritaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay argagixisada, gooni-u-goosadka, iyo nuglaanta dowladnimada inay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee halis gelinaya jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya. Hadalkan ayuu ka jeediyay xaflad-qalin-jebin ah oo lagu qabtay Muqdisho maalitii shalay, isagoo xusay in xukuumaddiisu ay baaris qoto dheer ku samaysay sababaha ugu weyn ee dib u dhigaya horumarka iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in argagixisada ay weli tahay caqabad weyn oo si gaar ah ugu daran amniga, nafta, iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in kooxaha argagixisada ah ay yihiin kuwo ficilladooda ku burburinaya nafta iyo dhaqaalaha dadka, taasoo saamayn ku leh horumarka iyo nabadda dalka.

Sidoo kale, wuxuu iftiimiyay halista ay leedahay aragtida gooni-u-goosatada oo uu ku tilmaamay mid gurracan oo wax u dhimaysa midnimada qaranka. Wuxuu sheegay in aragtidaas ay khatar ku tahay isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka, isagoo ku boorriyay bulshada inay ku midoobaan ilaalinta midnimada iyo qaranimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay nuglaanta dowladnimada oo uu ku tilmaamay inay tahay caqabad u baahan xal waara. Wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo dowladnimada si loo hirgeliyo nidaam cadaalad ah, horumar leh, kana jawaabi kara baahiyaha bulshada.

Isagoo aqoonyahanka la hadlaya ayuu yiri, "Xalka dhibaatadan waxa uu ku jiro inaad adinka oo ah dadka wax bartay ka qayb qaadataan xal u helidda caqabadaha dalkeenna. Idinka ayaa ah kuwa hoggaamin doona mustaqbalka Soomaaliya."

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la qaato qorshayaal isbeddel dhab ah lagu sameynayo amniga, dowladnimada, iyo isku xirka bulshada si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, horumarsanna. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo ka hortagga fikradaha qaldan ee wax u dhimaya midnimada iyo jiritaanka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM