Ra'iisul Wasaraha Somalia oo ka hadlay la wareegitaanka Baraawe

Image

October 6, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaraha Dowladda Federaalka ah ee Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay in la wareegitaanka ciidamdaa dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Baraawe calaamad u tahay dhamaadka Ururka Al-Shabab oo dagaal xoogan kala soo horjeeda.

Shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho Ra'iisul Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca ayuu ka sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab inta dalka laga xoraynayo fikirkooda.

''dadka reer Baraawe oo ah bulsho nabad jeceylka ku caan ah, aad ayay u soo dhoweeyeen in laga dul qaaday cabburintii ay ku hayeen Al-shabaab. Howlgalladu waa kuwa socon doona ilaa dalka oo dhan laga ciribtiro Argagixisada” Cabdiwali ayaa yiri.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sidoo kale dalalka dariska la ah Soomaaliya ugu baaqay inay ka feejignaadaan firxadka kooxda oo laga yaabo inay wadamada deriska ah gaaraan, isagoo docda kale  u mahad celiyay ciidanka DF iyo kuwa AMISOM oo dadaal u galay inay awoodda Al-Shabab wiiqaan.

Ugu dambeyntii wuxuu Cabdiweli Shiikh fariin u diray dhallinyarada ku jira Al-shabab isagoo xusay inay maalmo koobani ka harsan yihiin mudadii dowladdu horay u shaacisay in cidii kooxdaas kasoo baxda cafis loo fidin doono.

''waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhallinyarada ay qaldeen argagixisadu in 45-tii cisho ee dowladdu u qabatay weli aysan dhammaan, kuwa weli dagaalamaya ee la jooga waxaan ugu baaqayaa inay fursaddaas ka faa’iidaystaan ".

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Goodax Bare oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay inay isku furi doonaan gobaladda laga xoreeyay Al-Shabab ayna ka  go'an tahay dowladda sidii loo gaarsiin lahaa gurmad iyo mamul baahsan oo kala wareega ciidanka huwanta ah.

Howlgalka Badweynta Hindiya ayaa u muuqda mid guulaystay kadib markii uu bilihii lasoo dhaafay gaaray magaalooyin muhiim ah oo gacanta Al-Shabab ku jiray kuwaasoo hadda qaarkood xaalado bini'aadanimo laga soo sheegayo.

Saddex maalin kahor ayay kooxda Al-Shabab isaga baxday degmada Baraawe oo ahayd xaruntoodii ugu waynayd, waxana halkaasi gaaray ciidamada isbahaysanaya oo kahor inta aysan galin magaalada iska caabin kooban kala kulmay Al-shabab.

Al-Shabab oo xiriir dhow la leh Al-Qaacida waxay ka farcameen 2006-dii Ururkii Maxaakiimta Islaamiga oo ay hormuud u ahaayeen madaxwaynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys oo hadda gacanta dowladda ku jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM