Ra'isal Wasaare Xigeenka" wasiirkii aan sii shaqeyn karin ha iska tago"

Image

November 18, 2014 (GO)- Kadib markii maanta xubno hor leh oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Federaalku soo saareen qoraal ay Ra'iisul Wasaaraha kaga codsanayaan inuu is casilo ayaa waxaa arintaas ka jawaabey Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed.

Ridwaan ayaa sheegay in wasiirkii aan lasii shaqeyn karin Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed xor u yahay inuu istiqaaladiisa soo gudbiyo isagoo intaas raaciyey in wasiirkii shaqada ka taga sida ugu dhaqsaha badan wasiir kale oo lagu bedelo loosoo magacaabi doono.

Dhanka kale Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ka warbixiyey qodobadii diiradda lagu saaray kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu maanta yeesheen, kulankaasoo lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo dhowr ah.

Wuxuuna sheegay in xeerarka maanta la meel mariyey kamid ahaayeen: hindise sharciyeedka xuduudaha iyo federaalka iyo hindise sharciyeedka doorashada labadaas xeer oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu horay Golaha ugu soo gubisey.

Ilaa iyo hadda 31 xubnood oo kamid ah 55ta xubnood ee Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalku ka kooban yahay ayaa kasoo horjeestey siyaasadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed iyagoo ugu baaqay inuu sida ugu dhaqsaha badan xilka uga dego.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM