Ra'isul Wasaare Cumar oo la kulmay wakiilka AU ee Somalia

Image

December 19, 2014 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke,  ayaa maanta la kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maman S. Sidikou iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom

Wakiilka Midowga Africa ayaa ugu hambalyeeyay Ra'iisul Wasaare Sharma'arke xilka cusub ee loo dhiibay, wuxuuna tilmaamay ka midowga africa ahaan in ay la shaqayn doonaan Ra'iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, isagoona u rajeeyey in uu ku guulaysto howlaha ballaaran ee horyaalla. Danjire Maman S. Sidikou ayaa sheegay in uu filayo  R.W Sharma'arke in uu sii xoojin doono xariirka ka dhaxeeya midowga africa iyo Somalia.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha Magacaaban Danjire Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ayaa uga mahadceliyay wakiilka midowga africa dhambaalka uu soo gaarsiiyey, wuxuuna tilmaamay in uu sii adkayn doono xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dawladda F. Soomaaliya iyo Midowga Africa, isla markaana wadajir uga shaqayn doonaan sidii markale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.

Madaxweynaha Dowladda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee shalay u magacaabay Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii horaantii bishan uu Baarlamanka F. Soomaaliya kalsoonidii kala laabtay Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM