Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia oo gaarey Muqdisho [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saaka magaalada Muqdisho ku tagey booqasho aan horey loo shaacin, iyadoo amaanka caasimadda si aad ah loo adkeeyay tan iyo shalay.

Booqashada Abiy ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin kahor uu Addis Ababa booqday Dhaxal Sugaha Abu Dhabi, ahna ku xigeenka Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed si weyn ugu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana loo galbiyay Villa Soomaaliya, oo kulamo kula leeyahay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.

Abiy Axmed ayaa xiriir fiican la leh Imaaraadka, oo ugu deeqday dalkiisa 3 Bilyan oo Dollar oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed, waxaana shalay uu ku qaabiley Addis Ababa Dhaxal Sugaha Abu Dhabi. [Halkan ka akhri Warka].

Dowladda Federaalka iyo Imaaraadka ayaa xiriirkooda xumaaday kadib markii mowqifka dhex-dhexaadnimo ee Xukuumadda khayre isku bedelay mid ay ku taageerto Qadar, oo xiriir dhaw la leh madaxda Villa Soomaaliya.

Booqashadiisa Muqdisho oo qaadan doonto hal maalin, ayaa Abiy Axmed laga yaabaa inuu dhexdhexaadin ka dhex billaabo Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Eithiopia ayaa saameyn siyaasadeed iyo mid military ku leh dalka Soomaaliya, iyadoo ay ka joogaan Ciidamo badan, oo qaarkood ku howlgalaya magaca AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM