Rooble oo amray baaritaanka weeraradii Muqdisho iyo Beledwayne

Image
Image
Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa maanta la kulmay taliyeyaasha ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa kulan la yeeshay Madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga ururka Afrika ee AMISOM.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, wuxuu faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Wasiirka koowaad ee laanta fulinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xiligan muhiimka ah laga feejignaado dhagarta cadowga, "si aysan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka iyo habsami u socodka shaqooyinka hay'adaha dowladda".

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in la saaray guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku soo sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada Afisyooni.

Axmed oo kasoo muuqdey muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa tibaaxay in guddigaas uu warbixin ku soo celin doona Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa tilmaamay in shirka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Danjire Fransisco Madiera, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falalkii argagixiso ee u dambeeyay ee Muqdisho iyo Baladweyne ka dhacay.

"Isagoo sheegay in guddiga wadajirka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ay isla berriba howl bilaabi doonaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM